lunedì 12 dicembre 2011

storia di somalia

La Somalia orientale come stato indipendente nacque nel 1960, dall'unificazione di Somalia Italiana e della Somalia Britannica. Dopo l'indipendenza, il paese ha attraversato numerose difficoltà politiche e sociali e a partire dagli anni ottanta si trova in una condizione di guerra civile permanente.
Attualmente la Somalia è composta da 6 Stati Autonomi e dalla Repubblica Autonoma Indipendente del Somaliland che sta cercando di staccarsi dalla Somalia (con la quale si era unita nel 1960 per formare la Grande Somalia) richiedendo un riconoscimento internazionale.
Gli Stati Autonomi all'interno della Somalia

martedì 6 dicembre 2011

benvenuto

ciao caro come stai ? io sto bene
come il tuo familgo 
tuo amico pedro come sta,lui ho cancro credo?

sabato 3 dicembre 2011

dhamaan shacabka somaliyed waxaa wanaagsan in aan la fiiriyo dadlka somaliya waxii dan ah ? waxaa wanaagsan in lees ka qabto dadka dhibatada wado iyo dadka gacan ku dhiig layaasha mana ahan in aan u sacbino mida labad hadii aan u sacbino gacan ku dhiiglayan dadka waa la anayaan waana baba aa dalka ? waxaa ka soo bilawda oo aad dib u xasuusatan madax weyna yaasha somaliya soo maray kuligood mid aan gacan ku dhiigla aheen ma jiromid walbane waa gacan ku dhiigle waana u sacbinaa (tu saale ) waxaa dad lagu layay hotel shamow iyo warshada hargaha ragii  qarxiyay hadii manta wada hadal la galaan dow lada
oo dagalka iska dhafaan waxaa laga yabaa in jago la siiyo ma wasiir ama xildhiban markas shacabka waa soo dhaweynayan waa tagerayaan midas wayay dhibka ugu weey ee somaliya waxaa shacabka somaliya looga bahan yahay in eey ha soo hor jestan gacan ku dhiigla yaash dadka layay ee hadane tagerayaan midas ayaa ah xalka ugu dhaw ma ahan in la soo dhaweyo gacan ku dhiigle somaliyeey qaca ee iska kor qada gumestayaash dhibka wado iyo calool u shaqestaysha somaliye
oo marada calanka ubsanayo beentana shegayo

venerdì 2 dicembre 2011

taariiqda somaliya

Soomaaliya (Carabi: الصومال‎ aṣ-Ṣūmāl) ama Jamhuuriyadda Soomaaliya (Carabi: جمهورية الصومال‎ Jumhūriyyat aṣ-Ṣūmāl) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa wadan ku yaalla Geeska Afrika oo deris la ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Sidii uu u bilowday Dagaaladii Sokeeye 1991, Soomaaliya ma lahayn dawlad dhexe oo wadanka oo dhan ka shaqaysa.Hadda waxaa Soomaaliya ka jira Dowlad federaal kumeel gaar ah oo caalamka aqoonsaday haseyeeshee aan weli awood u helin in ay wada hanato maamulka dalka, waxayna ku koobantahay caasimada Muqdisho. Dhibaatooyinka dagaal iyo khilaafka joogtada ah ee hareeyey siyaasadda Soomaaliya waxay sababeen in caalamku u aqoonsado Wadan Fashilmay, wadanka aduunka ugu saboolsan iyo wadanka aduunka ugu halis badan.
Waqtiyadii hore Soomaaliya waxay ahayd xarun ganacsi ahaan muhiim u ah aduunka[1] waxaana raadraaca taariikhdu xusaysaa in dhulka hadda Soomaaliya loo yaqaan uu ka mid yahay aaggii Dhul Udug.[2][3] Waqtiyadii dhexe waxaa Soomaaliya xoog ku lahaa imbaradooriyado ay ka mid ahaayeen Dowladii Ajuuraan, Saldanadii Cadal, Saldanadii Warsangeli, Saldanadii Geledi iyo Boqortooyadii Gobroon. Dhammaadkii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad waxaa Ingriiska iyo Talyaanigu soo galeen dhulalka xeebaha ah ee Soomaaliya halkaasoo ay ka asaaseen Dhulka Biritishka ee Soomaaliya iyo Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya[4] oo loo kala baxshay dhulalkii ay qabsadeen. Dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday qabsashada gumeysiga waxaa ka mid ahaa Dawladdii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo afar jeer jebiyey Ingiriiska, haseyeeshee waxaa Daraawiishi jabtay 1920 markii Ingiriisku u adeegsaday diyaaradaha dagaalka, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo loo adeegsado diyaaro dagaal.Jabkii Daraawiishta ka dib, Talyaanigu wuxuu si buuxda ula wareegay qaybtii uu Soomaaliya ka gumeystay 1927, halkaas oo ay haysteen illaa 1941 ka dibna waxaa kala wareegay maamulkii millateriga ee Biritishka. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu ku sii nagaaday ilaalada Biritishka halka Koonfurtuna ay sugeysey madaxbannaani. 1960 waxaa labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur ku midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana xukunka qabtay dawlad shibil ah.[5] 1969 waxaa afgenbi millateri xukunka kula wareegay Maxamed Siyaad Barre wuxuuna asaasay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Dawladdii Siyaad Barre waxay burburtay 1991, waxaana qarxay dagaal sokeeye.
Tan iyo 1991, ma jirin dawlad dhexe wada hanatay maamulka dalka inkastoo ay jireen dhowr iskuday oo lagu doonayey in lagu mideeyo dalka, haseyeeshee fashilmay[6]. Gobollada woqooyigalbeeda waxaa ka jirta degenaansho waxayna hoos yimaadaan hoggaanka aan la aqoonsanayn ee Somaliland. [7] Gobollada woqooyibari waxaa ka jira ismaamul-goboleedka Puntland oo sheegtay inaysan ka go'in Soomaaliya. [8] Qaybo badan oo koonfurta dalka ka mid ah waxaa koontaroolla Islaamiyiinta Al-Shabaab.
Markii dawlad dhexe la wayaaye, waxay dadka Soomaaliya ku nooli ku xalliyaan ismaandhaafkooda sharciyo hoosaad, sida shibil, sharciga Islaamka iyo xeer. [9] Intii burburku ka jirey waxaa dhaqaalaha dalku ku tiirsanaa ilo aan caadi ahayn sida xoolaha nool, shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiinta. [10